DAAWO: Magaalada Garbaharay oo maanta uu ka dhacay dibadbax roobdoon ah.

Dibaxbax balaaran oo ay kasoo qeybgaleen inta badan bulshada ku dhaqan degmada Garbaharay ee xarunta gobolka.gedo ayaa maanta ka dhacay gudaha degmadaasi iyo nawaaxigeeda.

Dibadbaxani oo ay ka qeybgaleen culamaa’udiinka degmada ururada bulshada ee degmadaasi ka dhisan iyo masuuliyiinta maamulka heer gobolka iyo heer Degmo ee garbaharay ayaa alle lagu weydiisanayay in uu ka dulqaado abaaraha soo laalaabtay iyo roob la’aanta inta mudada ah ku habsatay gobolka.

Dadka dibax baxa ka qeybgalay ayaa alle weydiistay in uu ugu deeqo raxmadiisa kuleylka iyo haraadka daashadayne ka dulqaado.

Culamaa’udiinka magaalada oo ahaa dadkii lahaa qabanqaabada iyo abaabulka banaabaxani roobdoonka ah ayaa bulshada ugu yeeray in ay alle bariga laasimaan macaasidane ka dheeraadaan.

Culimada ayaa geesta kale ku dhawaaqday in la joogteyn doono qunuud joogta ah oo laga fulin doono masaajidda degmadaasi garbaharay.

Sikastaba dibaxbayaasha ayaa kasinaa khushuuc la xiriira alle bari ay alle ku weydiisanayaan in uu qaboojiyo kana dulqaado abaaraha dabada dheeraaday ee Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaane gobolka gedo ku dhuftay.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA ROOBDOONKA AH.
robgarbo

garbo

gabarroob

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.