Howlo looga gaashamanayo Daadadka Roobabka ayaa ka soconaya Baardheere(Codad iyo Sawiro)

Togan oo mara gudaha degmada Baardheere ayaa xilliyada Roobabka ay ka da,aan degmada iyo nawaaxigeeda waxaa ka dhalan jirey khasaarooyin balaaran oo ay ka mid yahiin,Barakaca dad lagu qiyaasey ilaa 5kun oo qoys kuwaasi oo daadadka ay ku soo rogman jireen,xaafadaha magaalada oo kala xirma,bur bur ku yimaada dhismayayaasha dadku ay degan yahiin iyo raashinka ganacsiga oo biyaha ku wax yeelooba.

Howshan oo ah tii ugu balaarneyd ee wax looga qabanayo Togan oo dhibaato xoogan xilliyada Roobka ku hayey dadka deegaanka ayaa ujeedada loo dhisayo waxay tahay sidii looga gaashaman lahaa Roobabka da,i doona,waxaana howshaasi fulinaya ilaa 300 oo ruux oo muruqmaal ah oo isugu jira rag iyo dumar,Katarabiilo iyo injineero,waxaana kharashka ku baxaya iska kaashadey Dowlada Federalka Soomaaliya iyo mid ka mid ah Hay,adaha samafalka wadaniga ee ka howlgala gudaha magaalada.

Daahir Bashiir waxaa uu ka mid yahay H/wadeenada Ururada Samafalka wadaniga ee ka howlgala degmada Baardheere waxaana uu warbaahinta u sheegay in howlaha lagu hagaajinayo Toga ay si wanaagsan u socoto dhowaana ay rajeynayaan in la soo gabagabeeyo wax ka qabashada Togan.

Cali Maxamuud waxaa uu ka mid yahay Odoyaasha Degmada,bur burkii ka horna waxuu ahaa Gudoomiyahii degmada Baardhere,waxuuna sheegay togan oo aanan helin muddo ka badan 26sanno in hadda rajo weyn uu ka qabo inuusan ku soo fatahin Xaafadaha magaalada Baardheere, isagoo sheegayna khasaarahii ugu dambeeyey inuu geystey 2014kii,bishii novembar, 2015 waxaa aad u yaraa Roobabkii xilligaasi da,ay.

Safiyo Aden waa hooyo leh ilaa 5 caruur ah waxayna ka mid tahay dadka degan Xaafada kurmaan ee uu maro Toga waxayna sharaxaysaa dhibaatada iyada ka soo gaartay shakhsiyan fatahaada toga uu sameeyo Xilliyada Roobabka,oo ay ku tilmaantey marar badan in khasaaro xoogan uu ka soo gaarey Qoyskeeda.

Faadumo Saciid waa hooyo leh ilaa 8 caruur ah,waxayna ka mid tahay Haweenka muruq maalka ah ee ka shaqeynaya Toga,waxayna sheegtay in mudo
15 ah ay ka shaqeynayso toga, maalintiina la siiyo lacag dhan 5 dolar iyo raashin,waxayna intaasi ku dartey in ay ka mid ahayd dadka danyarta ah ee horey waxyeelada ay ugu soo gaartey Togan.

Xilligan Baardheere waxaa ka soconaya mashaariic dhismayaal ay ka mid yahiin Garoonka kubada cagta Baardheere,Xarunta Bulshada iyo Xarunta Maamulka degmada Baardheere,iyadoo mustaqbalka dhowna la filayo Magaalada in laga hergeliyo Mashruuca leerarka ku shaqeeya Cad ceeda oo aanay horey degmada u lahayn.

4tii bishan 10aad ee 2016 Maamulka degmada Baardheere ayaa waxay magacaabaan guddi ka kooban 13 xubnood oo ka kala yimid qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Baardheere si ay ugu shaqeeyaan hergelinta mashaariicda,si ay mustaqbalka u hantaan mashaariicdaasi,iyadoo la siiyeyna Tababaro lagu fahansiinayo ahmiyada Mashaariicdan 4ta ah.Listen to “Howlo looga gaashamanayo Daadadka Roobabka ayaa ka soconaya Baardheere,SAALIXI” on Spreaker.
dsc08636

dsc086371

dsc086551

dsc08639

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.