Beesha Sade xaquuqdii ay aqalka Sare ku laheyd waa la duudsiyay W/Q. Abdiwali Maxmed Guuleed

Waxaan rabaa in aan ka hadlo waxa ay iigu muuqato doorshada Aqalka sare qeybta ay xaqa u leeyihiin Beesha Sade. Waxaana marka hore rabaa in aan ka hadlo Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo waxa ay xaqa u leedahey Beesha Sade.

Haddaan ku hormaro dhinaca Jubooyinka oo ay Beeshu ku badan tahey waxaan aamin sanahey in ay beesha xaq uleedahey 4 kamida xubnaha 8 teeda ah. Maxaan saas uleeyahey waxaa weeye gobalada Jubooyinka 14 dagmo marka la isku daro. 6 dagmo waa Sade soocan oo waa 6 da Gobalka gedo oo doorasho hal qof iyo cod ah hadii lagu gali lahaa dagmooyinkaas aanan laga yaabi laheyn in qof kale oo aaan reer Sade aheyn uusan haweysan laheyn in uuu ka soo baxo, Midna waa ubadantahey beesha Sade oo waa Kismaayo oo hadey doorasho ka dhacdo Kismaayo lagama yaabeen in qofkale ka soo bixi lahaa, 2 na wax baan ka dagnaa oo waa Bu’aale iyo Saakoow oo reer Baadiyaha ugu badan waa dad reer Sade ah.

Marka sidaa darteed Beesha Sade waxay ugu yaraan xaq uleedahey in ay hesho 4 xubnood. Waa dhinaca Jubooyinka.

Xaga Gobalada dhexe waxa aan aamisanahey in aan xaq uleenaey ugu yaraan 3 xubnood 8 deeda xubnood. Maxaan saas uleeyahey Maamulka Glamudug Shacbiyada ugu badan waa reer Sade in kasta oo magaalo madaxdoodii xoog lagu heysto oo aanan wali laga xisaabtamin hadalana waxa ay wali yihiin shacabka manta ugu badan Gobalad dhexe ee Soomaaliya.

Haddaan usoo noqdo degmooyinka Galmudug maanta waa:

Dhuusa Mareeb (Sade) wax buu ka dagaa �cadaado (Sade) wax buu ka dagaa�Balanbale (Sade)�Ceelbuur �Ceeldheer �Caabud waaq (Sade)�Xarar dheere �Hobyo iyo Gaalgacyo oo bar ah.

Marka aad fiiriso Dagmooyinkaan, Sade labo waa u qaas, labana waa u tartan sidaa awgeed macquul ma aha in labadaba tartanka ah uu wax ka waayo.

Maxaa la gudboon hadii Sade uu Jubooyinka ka waayo 4 xubnood, Gobalada dhexena ka waayo 3 xubnood am ugu yaraan 2, Ani waxaan oran lahaa Sade waa inay gadoodaan oo sameeyaan isbadal muuqda, waana in uu badalaa wax alla waxa ku matalaya Labada Maamul gobaleed, waa in uu baddelaa Odayaasha Dhaqanka, Sade kama liito Kamana xoog yara Beesha Xawaadle, marka waa inay awooddooda isu geeyaan oo tashadaan dadka ay u soo dirsanaayana aysan noqon dad loo yeeriyo ee waa in ay ku soo xulaan sida Puntland oo kale oo ay yiraahdaan yaa meeshaan noo matali kara oo wax ka keeni kara waxa ay Puntland soo waddaa (Faroole, Moorgan, Jen, Cabdulaahi Saciid Samatar iyo rag la mid ah, Iskana ilaawaan qabyaalada iyo qurunimda ayaga lagu kala dhexdilaayo oo ay u midoobaan dantooda guud.

Wabilaahi Tawfiiq

Abdiwali Maxamed Guuleed

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.