Magaalada Kismaayo oo caawa laga maqalay Qaraxyo Xooggan

Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegayo in caawa halkaasi laga maqlayo qaraxyo xoogan oo la sheegay in loo adeegsaday Bamgacmeed, Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaar ka mid ah weerarada Bambaano ee caawa ka dhacay magaalada Kismaayo lala bartilmeedsaday saldhigyo ciidan iyo xarunta dowladda Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Illaa iyo hadda lama ogo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaasi, Wixii warar ah ee kusoo kordho waxaan idinkuugu soo gudbin doonaa wararkeena danbe haddii rabi idmo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.