DEGDEG: Nabadoon Caawa lagu dilay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

deg

Waxaa.caawa fiidkii Degmada.Baardheere lagu dilay allaha u naxariistee Nabadoon Ibraahim Qorax Barre oo kamid ahaa waxgaradka Degmadaasi Nabadoonka ayaa waxaa dilay Kooxo Bistoolado ku hubeysan kuwaas oo ku dilay iridda gurigiisa xilli uu kasoo baxay Masjid kuyaalo Gudaha Degmadaasi.

Ma jirto cid sheegatay Masuuliyadda dilka Nabadoonka, iyadoo ciidamada amaanka ee Maamulka Degmadaasi ay wadaan baaritaano lagu baadi goobaayo cidii dilkaasi ka dambeysay, Baardheere waxaa kusoo badanaya dilalka Degmadaasi ka.dhacayay mudooyinkii lasoo dhaafay xilli aysan jirin cid masuuliyad iska saartay waxkaqabashada amaanka ee Degmadaasi.

wixii kusoo kordha kala soco Gedo Times.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.