Degdeg:Dilal Kadhacay Deegaan Hoostaga Caabudwaaq “Dhageyso”

deg

Sida ay sheegayaan Wararka inaga soo Gaaraya Deegaano katirsan Waqooyiga Gobolka Galgduud waxaa Maanta la dilay Xubno katirsan Hay’ad ka shaqaysa Miina Baarista.
Dilkaan ayaa ka dhacay Deegaanka Aricadays oo Hoostaga Demada Caabudwaaq, waxaana la sheegay in Dabley Hubasan ay dhexda ugaleen Gaari ay la socdeen Xubnaha ka tirsan Hay’adda Miina Baarista.
Inta la xaqiijiyay Laba Ruux ayaa ku dhimatay Weerarka oo Mid ka mid ah Magaciisa lagu sheegay Carab Bootaan Halka Marxuumka Labaadna la sheegay inuu ahaa Darawalkii kaxeenayay Gaariga, sidoo Kale waxaa weerarka ku dhaawacmay Laba Ruux oo kale.
Gaariga la weeraray ayaa ka amba baxay Magaalada Caabudwaaq, isagoona kusii Jeeday Magaalada Matabaan oo katirsan gobolka Hiiraan, Hadaba Suxufi ku sugan Magaalada Caabudwaaq ayaa Gedotimes uga waramay Dhacdadaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.