doorashada Xassan shiikh diide dil baa uqoran By Jimcaale

jim

Sida aan la wada socono waxaa lagu khaarajiyey Generaal Goobaale Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed iridiisa asaga oo ka soo baxay xafiis xarunta ku dhexyaal oo uu balan ku lahaa kadid markii looga yeeray.
Generaalka waxaa gaari miineysan oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey loogu sii diyaariyey banaanka irida weyn laga soo galo lagana baxo xarunta XDS ,halkaas oo markii uu ka soo baxay irida weyn gaariga ismiidaamiyaha oo qooqan ahaa lagu dhuftay gaarigii generaalka,waxaana halkaas ku nafwaayey generaalka iyo wixii la socday,waa sida aan ka helay ila xogogaal ah oo diiday in magacooda loo adeegsado Saxaafada.
Waxaa wararka intaas ku dareen Generaal Goobaale in uu maalmo ka horgeeyey casilaadiisa geeyey, islamarkaasna gacansaar kala dhexeeyey Madaxweynahii hore Sh.shariif Sh. Axmed,una diyaariyey meel amaankiisa lagu sugo iyo ragii amaankiisa sugi lahaaba,taas oo tuhun iyo shaki weyn dhalisay in uu sababtaas u dhintay general Goobaale.
Saacada kadib waxaa asna la khaarajiyey Madaxii Hoggaanka sirdoonka XDS oo magaciisa lagu soo koobay col. Sabriye, isla markaasna ay saxiib dhow ahaayeen Generaal Goobaale,taas oo loo fasiran karo in uu baaris samayn karo ama xoghayey lagana hortegayey in aan col,sabriye xog laga helin.
Warar kale ee tuhun ah ama la malaynaayo ayaa sheegaya in saacadaha ama maalmaha soo socda la samayn doono qaraxyo waaweyn oo dad badan lagu layn doono si dhacdada generaalka iyo kornaylka loogu raadgado,hadal hayntoodana dadka loo ilowsiiyo.
Dhammaan arimahaas waxaa lala xariirinayaa olalaha ex.madaxweyne Xassan Sh.Maxamuud,cid kastaaba ha sheegatee ,waxaana is weydiin mudan baabuurka walxaha qarxa ka buuxeen ee intaas albaabka Xarunta XDS ku sugayey Generaal Goobaale yaa hagaayey? Seese loo ogayn waayey baabuurka intaas ku sugnaa irida xarunta XDS? Dhibaatadaan dadka Soomaaliyeed kuwa ay hadda gartay kuwo kale oo badan baa ka horeeyey,inta kalana waa sugaysaa?
Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.