TOP News: Magaalada Kismaayo oo looga Dabaal Dagay Geerida Korneyl Aadan Koronto iyo Saraakiishii la geeriyootay.

Kadib Dagaalkii ay ku dhinteen Saraakiishii CIiidamada ee Degmada Ceelwaaq iyo askar kale Gaadiid Dagaalne lagu qabsaday ayaa tan iyo maanta waxaa mashxarado loogu dabaaldagayay mashaqadaasi ay ka dhacday Magaalada Kismaayo.

Rag iyo dumar isku hayb ah kana soojeeda Beesha Hogaamiye Axmed Madoobe ayaa Magaaladaasi ku qabtay Fantaasiyo ay ku,faraxsanaayeen Geerida Saraakiishaasi uu Hormuudka u ahaa Korneyl Aaadan Koronto oo Dagaalkii Shalay ku geeriyooday.

Dumarka ayaa alalaasayay halka ragune ku faraxsanaayeen geeridaas murugada leh ee argagixisada Shabaabku ku qaarijiyeen Saraakiisha uu hogaaminayay Korneylkaasi.

Macadda sababta ka dambeysa in geeri lagu farxo Xilli la isaga tacsiyeyn jiray, inkastoo makastaasi ay u arkayeen in Aadan Koronto uu caqabad ku ah Maamulka Gacan ku rimiska ah ee Axmed Madoobe taasi oo keeni karta un in loo mashxarado Geeridiisa.

Waxaa muuqaneysa ifafaalooyin cadeynaya in Shabaabka iyo Raaskaambooniyiinta uu ka dhaxeeyey Cilaaqaad aad u weyn oo sababay in xitaa ay isla dajiyaan Khidada iyo qaabka weerar ee Masuulkaas iyo Saraakiil kale lagu dilay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.