DAAWO;Madaxweynaha jubaland Mudane Axmed Maxamed [iSLAM] oo ka hadlay aroosyada kismayo.

madoobe

Madaxweynaha jubaland axmed maxamed islaam axmed madoobe ayaa goob fagaara ah kaga dhawaaqey in ay maamnuuc tahay gaadiidka tirada badan ee galbiska lagu sameeyo xiliyada arooska kuwaas oo marka ay magaalada marayaan hakad galiyo isu socodka gaadiidka iyo kan dadweynaha magalada kismaayo.

Wuxuuna madaxweynuhu sheegey in gaadiidkaasi ay lid ku yihiin amaanka magaalada kismaayo waxaana uu ciidamada amaanka ee maamul goboleedka jubaland ku amrey in ay tilaabo ka qaadaan cidii adeegsato wax ka badan labo baabuur xiliga arooska waxaana uu amar ku bixiyey in la xiro labada ruux ee is arooseyso iyo waalidiintooda.

Hadalka madaxweynaha jubaland axmed madoobe eek u aadan dhinaca aroosyada ayaa imaanaayo xili qabanqaabada hore ee arooska ay ku balamaan caruuska iyo caruusadda in gaadiid badan lagu galbiyo taas oo xiliyada qaar ay isugu faanaan dumarka la aroosaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.