Joojinta Jaadka qorax u soo baxday Soomaliya iyo qabriga beeraleeyda jaadka. By Jimcaale

jim

Waxay ahayd war farxad leh markii dhagaha dadka Soomaalida ah ay maqleen in la hakiyey diyaaradahii jaadka keenijiray Dalka Soomaaliya,waxaase aad iyo aad wax laga xumaado ahayd oo ummadda Soomaaliyeed ka naxday maamulada ka jira Dalka oo qaarkood markiiba ku dhawaaqay in aan go,aankaasi qusaynin ayyaga.

Sunta cagaaran waxaa laga mamnuucay adduunyada oo dhan marka laga reebo meelo fara ku tiris ah oo dhif ah Soomaaliyana ka mid tahay.Marka la baaray wuxuu la nooca noqday daroogooyinka ee loo yaqaano Group C oo micnaheedu yahay in uu yahay darajada saddexaad oo ay ka xoog badan yihiin A iyo B. (Haddii aan is kale u dhigo Haddii waxyeeladu tahay 100%,A waa 100%,B waa 90% ,C waa 80%,sidaas awgeed ka fakara waxyeelada daroogooyinka adduunka haddaynu quudano maalin kasta 80%.

Cudurada halista ah ee laga qaado waxaa ka mid ah,dhiigkar,waali.kalyaha oo shaqayn waaya ilayn shaqadii loogu talagalay ka badan bay qabtaan oo qofka jaadka cuna inta jeer uu kaadsho maalintii ha xisaabo,waa cimrigii kalyaha oo deg degaya,intaas waxaa dheer caloolboogeed(gastirites),cudurada dhiifshiidka sida qabsino xirma,qaaxada iyo tabardarada jirka(anemic).Dhinaca kale ee dhaqaalaha iyo dhaqanka qoyska oo uu gaarsiiyo in dumarka iyo ragooda uu kala furo markii ay xanaano iyo nimaad iska waayaan,taasina ay sabab u noqoto caruurta oo dayacanta oo dhaqanku ka xumaado.
ALOBIXIN
!-Dawlada waxaan kula talinayaa in ay dadkeeda u hiiliso oo jaadka go,aan jilicsan bay ka soo saartay ee mid adag oo aan diyaarad ku koobnayn ka soo saarto.
2-Maamulada gobolada dadka iyo dalka ay masuuliyada u hayaan ha u muuqdeen kuwo ka naxaya oo suntan lacagtooda looga badalanaayo joojinteeda hormood ha ka noqdeen,yey u ekaan kuwo ka dhex kaluumaysanaya oo aan dan ka lahayn boqolaalka dhalinyarada ah ee ku jira isbitaalada waalida iyo kuwa intaas ka badan ee jaadka dartiis u geeriyooday oo aan cidina tirakood ku samayn.

3-Ugu danbeyn waa shacbiga Soomaalida ,marka u horaysa culumaa,u diinka 18ka gobol oo Soomaaliya waxaan leeyahay fuliya amarka Ebbe oo ah Munkarka adinka ku joojiya,haddaad tahli weydaan afka ,marka ugu danbaysana uurka ka naca ,maanta waxaad qaadan kartaan in aad adinka iyo afba isku dartaan wax idin ka horjooga ama idiin diidaaya ma jiraan,ka wacdiya masaajida in aad abaabushaan banaabbax lagu taageeraayo joojinta jaadka oo ka dhaca Dalka oo dhan ,kala qaybsanaanta ummadda Soomaaliyeed ha kula shurgoobina kuwo madax sheeganaaya oo shisheeye u shaqaynaaya ,idinkana colaad idin dhexdhigaya si ay idinka dhex kaluumeystaan oo jeebabkooda u cayiliyaan ayaga oo magacyo idiin kala bixiyey,calamo kala duwana idiin samaystay.Ugu danbayn dhalinyarada wax baratay iyo kuwa wax baranaaya ka dagaalama jaadka in uu mustaqbalkiina mugdi galiyo,aan ku soo kobo waa noo banaanbax aan kala go,lahayn oo aan ku qasabno in jaadku naga joogsado.wa
Bilaahi Towfiiq/Cabdullaahi Jimcaale Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.