Wax Ka ogow Sababta Qaraxii Baardheere Looga Dayn Waayey Tvyada Tacsina Loogu Diri waayeey

qar

Degmada Baardheere ayaa waxay kamid ahayn goobaha qarax kadhacay sida Muqdisho,gaalkacyo qaraxaas oo dad shacab ah ku dhinteen, madaxda Soomaliyeed waxay tacsi udireen dadkii kudhintay qaraxyadaas marka laga reebo Bardheere.

Tvyada gaarka loo leeyahay lagama soo dayn Qaraxa ka dhacay degmada Baardheere sababtana lama garanaayo, Tvga Jubbaland dhaguhuu ka fuuraystey kan downalada Soomaliyana Warkiisa Haba sheegin, Hadaba waxaa is waydiinleh maxay tani kudhacday, arintaan ayaa masuuliyada kowaad iska leh dadka maamulka Jubbaland kujira ee kasoo jeeda gobolka Gedo oo kasoo bixi waayey kaalintii ay kulahaayeen qaraxa ka dhacay Baardheere oo ahayd inay cambaareeyaan,tacsina udiraan dadkii kudhintay qarxaas.

Shacabka Kasoo jeeda gobolka Gedo ayakuna kaalintii ay kulahayeen ayey gabeen madaama siyaasiyiintii gobolka Gedo juuq udhihi waayeen, xaga dawlada xamerna ayakana hawl utaala ma ahan madaama kuwii hawshan kaxigey dayaceen.

Ugu Dambayntii waxaan leenahay dadkii Soomaliyeed ee ku dhintey qaraxyada Baardheere, Muqdihso iyo Gaalkacyo allaha unaxariisto kuwii dhaawacana cafimaad dagdaga sii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.