Muqdisho:Labo Qof ayaa ku Geeriyootay Bam Lagu Tuuray Goob

qarax

Laba qof oo dad rayad ah ayaa ku geeriyootay Bam-gacmeed Galabta lagu tuuray Goobo ganacsi oo uu dab qabsaday Xaafadda Suuqa Xaalaha ee Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobalka Banaadir Gaashaanle Sare Bishaar Abshir Geedi oo uu waramay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Saxaafada ayaa sheegay goobo ganacsi oo uu dab qabsaday ay damiyeen Kooxaha Dabdamiska Gobalka Banaadir.

Col Bishaar ayaa xusay in markii dabka la damiyay kadib Bam-Gacmeed lagu tuuray Goobtii uu dabku ka kacay, halkaasina ay ku dhinteen dad shacab ah oo aan waxba galabsan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.