DEGDEG: Dagaal u Dhaxeeya Alshabaab iyo Ciidamada Dowladda oo ka socda Tuulada Suriyo oo ka tirsan Degmada Buurdhuubo.

deg

Dagaal culus oo saaka soo,bilowday ilaa.iyo hadane socda ayaa ka socda Tuulada Suriyo oo qiyaastii 15km waqooyi kaga.beegan Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka oo u.dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Alshabaab.oo dhinac ah ayey dadka.deegaanka soo warinayaan in uu yahay.mid aad u culus.

Masuuliyiin.iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda oo Buurduubo ku.sugan oon la xiriirnay ayaa.ka.gaabsaday in ay faafaahin ka bixiyaan Dagaalkani oo ay.iyagu.qaadeen,kuna weerareen Alshabaab oo fariisimo kuleh Suriyo.

ilo madax banaan.ayaa.sheegaya in Khasaare.dhimasho iyo dhaawacba uu sababay Dagaalkani oo wali socda balse majirto cid si sax ah u,sheegi karta Khasaaraha Dagaalka.

wixii,kusoo,kordha kala soco Gedo Times.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.