Madaxweynaha JFS oo Nairobi kaga qeybgalaya Shir Afrika iyo Japan Sawirro

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya, oo uu kaga qeybgalayo Shirka waddamada Afrika iyo Japan ee TICAD (Tokyo International Cooperation with Africa Development).

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalaya dhammaan madaxda Afrika iyo Japan, waxaana labada maalmood ee uu socdo diiradda lagu saari doonaa maalgashiga Afrika, fursadaha ganacsi ee labada dhinac dhexmaraya iyo ka faa’ideysiga kheyraadka labada dhinac.

Soomaaliya ayaa horey uga qeybgashey shirkii TICAD ee 2013-kii, waxaana sannadkan la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay kulamo gaar ah la yeeshaan madaxda Japan iyo kuwa kale ee qaaradda Afrika ka socda.

xasa

xasan

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.