Faah-Faahin dheeraad ah oo ka soo baxeysa Weerarka Banaadir Beach

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray Banaadir Beach ayaa sheegaya in ciidamada amaanka wali ay wadaan howlgalka ay kaga hortagayaan argagixisada weerarka ku soo qaaday Maqaayadaan.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amaanka oo lahadlay Gedotimes ayaa sheegay in Sadax ka tirsan Maleeshiyadaan ay gudaha ugu jiraan Maqaayadda ciidanka ay haatan ku heerarsanyihiin.

Ciidamada Amaanka ayaa in ka badan 20 qof oo shacab ah soo badbaadiyay ku waa soo ku xayirnaa gudaha Maqaayadda ,Walina Howlgalka wuu socdaa.

Waxaa laga maqlayaa gudaha Maqaayadda Rasaas u dhaxeysa ciidanka Amaanka iyo kooxaha Argagixisada ah ee soo weeray goobtaas.

Maydadka Labo Haweyn ah ayaa haatan waxaa lagu arkayaa banaanka hore ee Banaadir Beach, lamana oga inta uu la egyahay Khaasaraha wali.

Wixii Faah-Faahin dheeraad ah goor dhow la soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.