Ogaysiis:Daaweyn iyo Indhofiiqis Bilaash ah oo Sade Diaspora Farum (SDF) Kasameynayo Garbaharey Gedo

OGEYSIIS+BISHAARO:-Ururka Sade Diaspora Farum (SDF) oo Magaalada Garbahaarey ka fulin doono Mashruuc isugu jira Daaweynta iyo Fiiqista Indhaha oo Lacag la’aan ah

Ururka Sade Diaspora Forum (SDF) wuxuu dhammaan dadweynaha ku dhaqan gobalka Gedo Ogeysiinayaa uguna bishaaraynayaa in Isbitaalka weyn ee Jaalle Siyaad ee magaalada Garbahaarey ay ka dhici doonto daaweynta iyo fiiqista Indhaha ah oo lacag la’aan ah.

Mushruucaan daaweynta iyo fiiqista indhaha ah ayaa waxaa hirgelinaya oo maalgeliyey Ururka Sade Diaspora Forum (SDF) oo urur ay ku midoobeen qaar ka mid ah Jaaliyadda Beesha Sade oo ku kala nool daafaha iyo dacalada dunida.

Waxaa adeegaan caafimaad ee lacag la’aanta uu magaalada Garbahaarey ka bilaaban doonaa 12.9.2016 oo ku beegan maalin Isniin ah, kaasoo haddii eebbe idmo ay ka shaqayn doonaan dhaqaatiir taqasus u leh daaweynta iyo fiiqista Indhaha.
Wxii faahfaahin ah oo la xiriira adeegaan caafimaad ee lacag la’aanta ah, waxaad kala xiriiri kartaan, magacyada hoos ku xusan:-

Cabdiqafaar Axmed Xasan. Tel. 00252617599991
Wali Maxamuud Cigaal. Tel. 00252615772223

Waxaa haddaba Ururka Sade Diaspora Forum (SDF) uu dhammaan dadweynaha ku dhaqan gobalka Gedo uu ugu baaqayaa inay ka faa’iideystaan fursaddaan iyo adeegaan caafimaad ee lacag la’aanta ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.