Madaxwayne Axmed Madoobe oo Kismaayo kula kulmay Wakiilka QM uqaabilsan Somaliya-Sawirro

Madaxweynaha Jubbalanad iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa si wadajir ah saxaafada ugula hadlay Magaalada Kismaayo.

Axmed madoobe iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micahael Keating ayaa waxaa ay ka wadahadleen arimo ay kamid tahay doorashooyinka dhowaan dalka ka qabsoomi doona iyo amniga deegaanada Jubbaland.

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in maamulka Jubbaland oo sameeyay horumar la taaban karo, isagoo sheegay in magaalada Kismaayo laga dareemayo horumar balaaran, Dowlada federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ayuu xusay in ay kaalmo la garab taagan yihiin .

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa sheegay in mudada uu halkan joogay Michael Keating ay ka wadahadleen arrimo badan oo dhinaca ammaanka ay si gaar ah diirada u saareen.
axmed madoobe

un

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.