Halista Federaalka iyo gudiga xuduudaha. “Dhageyso” By Cabdulaahi jimcaale

jim


15/08/16,waxaa furmay shir ay soo qaban qaabiyeen gudiga lagu magacaabay gudiga xuduudaha federaalka,waxaan aad ula yabaa markaan maqlo federaal iyo SOOMALIYA,waxaa ka sii yaab badan federaalka Soomaaliya loo qoray,ilayn ayyadu ma qorane magaciisa marka laga fiiriyo 25ka dawladood ee dunida dacaladeed ku yaala oo dhammaantood ka siman yihiin dalal ay ku nool yihiin dadyaw kala jinsiyad duwan ,kala af duwan,kala dhaqan duwan, haddana aan isku diin ahayn.Tusaale meel kale yay Soomaalidu eegin oo ka raadin sababta dal federaal u qaatee kuwa annaga dariska nala ah amuura federaalka keenay dhammaantood kulan saday bal fiiriya,sababtuna tahay in ay ku kala nabgalaan mar Haddii aysan isku xukun noqon Karin.

Waxaa fajacisa ayana noqotay dhismaha federaalka. Waxaa federaal la dhisaa marka dadka afti la weydiiyo bal in ay ogol yihiin iyo inkale oo ay qaataan nidaamkaas.Bal maxaa ka hormariyey dhismaha federaalka aftida iyo ogolaasha shacabka?Haddana marka aad ka soo bilowdo Soomaalilaand kuwa la baxay ee aad ku tagtid Jubaland hal maamul oo dadku is ogol yahay oo ayyagu ku shiis ah maamuladaas ma jiraa?Sow dastuurka qabyada ah oran mayo laba gobol iyo wax ka badan oo is ogol oo ayyagu isdoonta baa israaci kara maamulna samaysan kara federaalka hoos yimaada?waxa hadda jira sow wax aan dadka ka imaan oo ajanabi khasab isku raaciyey oo dagaal dhexdooda ka wada taagan yahay maaha?
Dalka waxaa ka jiri jirey xuduudo qabiilaysan oo la oran jiray xuduudii Tumisteeli (Linia Tumesteli) Waxaa jebiyey xuduudaas dawladii kacaankii Ocktoobar kana dhigtay Dalka in la wadaleeyahay ,biyaha daaqa iyo deegaankana loo siman yahay, hadaba waxaa is weydiin mudan su,aalahaan;-

-Maamulo sharcidaro ku dhisan oo dhibaato ka taagan tahay miyey xuduudo u samaynayaan oo eedii ajanabigu geliyey madaxda sare ee Dalka bay la qaybsanayaan?
-Ma waxay raaci doonan Liineeya tumisteeli oo meelihii ay ku kala ekaayeen kacaankii ka hor bay ku kala celin doonaan?
-Ma xuduudo cusub oo federaal qabyaaladasan bay saman doonaan oo qabiil dhul loo aqoon jirey oo loo yaqaan bay mid kale siin doonaan?
-Ma waxay xalaalayn doonaan magaala kala qaybsan oo laba Madaxweyne midba daan xukumo?
-Mise intaas oo dhan uma jeedaane ,xoogaa kharasha oo ayaama ku mood ah oo soo galaaya baa uga weyn dabka ololaaya oo ay xaabada sii saari doonaan?
Talabixin.
Waxaan dhegaystay aqoon isweydaarsi Gudiga xuduuduhu ugu magac daray rayi ururin, dadkii ka soo qaybgalay intaan codkooda maqlay waxay isku raacsanaayeen in federaalku yahay qiyaano qaran,shacabka Soomaaliyeedna uusan mudnayn in xuduudo cusub loo kala sameeyo.Haddaba ha daydnaan dheef iyo nacfi eexis ahayn soo jeedintii dadka aan codadkooda maqlaayey qaata iyo kayga oon ku kabayo oo xilka la idiin magacaabay oo dhibaatad hadda ka jirta iyo mid kale oo imaan doontadaloo wada jeedo ,oo haddana magaca laydin siiyey yahay gudiga xuuduudaha Federaalka ee madaxbanaan ,shisheeyaha iyo kuwa u shaqayunaaya, yey idin ku dufantiryoon oo balada ay maleegeen dhabarka idiin saarin,si gaar ah waxaan u leeyahay Khaliif C/kariin Maxamed Gudoomiyaha gudigaan magac waa dibiye iscasil ,xubnaha kalana sidaas si la mid ah.Aan ku soo gabagabeeyo (waxaasu waa fardo oo laysuma qariyo) ma qarsoona waxa ka dhalan kara ee yaan taladu idinka hoos bixin idinka oo dad waaweeyn ah oo bushada dhexdeeda sumcad ku leh. W/Q.Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.