XOG: Wariye Karar Aadan Rukow oo loo Diiday in uu dib ugu laabto Gobolka Gedo. “akhriso”

Iyadoo muddo dhowr bilood ah uu masaafuris ahaan Magaalada Muqdisho Ku joogay wariye karar Aadan Rukow oo kamid ahaa warfidiyeenadii ka hawl-gali jiray Magaalada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa loo diiday in uu dib ugu laabto magaaladii uu kasoo jeeday ee uu ka shaqeynayay.

Karar aadan Rukow oo Garbaharay wakiil wareed uga ahaa Xarumo warbaahineed oo kala duwan ayaa waxaa muqdisho u soo masaafuriyay Ciidamada Itoobiya ee Degmadaasi Ku sugan kadib soo tabin uu soo tabiyay Xaqiiqooyin iyo gabood fallo ay halkaasi ka geystaan had iyo jeer ciidamada Itoobiya.

Wariyaha oo Gedo Times ay arimahan LA xiriira in loo diiday in uu garbaharay Dib ugu laabto ayaa inoo xaqiijiyay jiritaanka arinkaasi.

Rukow ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ee Gobolka Ku sugan ay tacadiyo xaquuqul insaanka ka baxsan ka geystaan guud ahaan Gobolka tiiiyoo ay dheertahay in aysan jirin cid arimahaasi ka hadasha.

Ma ahan wariye Rukow oo kaliya dadka loo diiday in ay gobolka dib ugu laabtaan waxaase kamid ah dadka LA diiday dad magac iyo meeqaam Ku dhexleh bulshada Gobolka, qaar xilal gobolka kasoo qabtay, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale kuwaas oo muqdisho Ku sugan dibna aan ugu laaban Karin gobolkii iyo deegaankii ay kasoo jeedeen.

Masuuliyadda eedahani oo dhan waxay isugu soo biya shubanayaan laba sarkaal oo hogaamisa Ciidamada Itoobiya ee Gobolka Kusugan kuwaas oo lagu kala Magacaabo Korneyl Tiqle iyo Korneyl burhanu kuwaas oo ah u qeybsanayaasha Itoobiya ee Gobolka Gedo.

Sikastaba arimahan tarxiilka ayaa ah Xaajo ugub Ku ah bulshada Gobolkaasi oo ay isugu darmeen colaado aan dhamaad laheyn iyo isu socosho la’aan LA xiriirta Degmooyinka Gobolka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.