Xassan shiikh waa is caddeyey ee ma ku dooranaynaa? by Jimcaale

jim

Inta aanan dulucda cinwaankaan ka hadlin aan soo qaato murtida tixdaan Cabdullaahi Suldaan Timacadde(dadka aan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaan,anigaa daroorinahayee dhegahu uma daloolaan bal dayaa wixii daashaday bay daba socdaan haatan).waxa uu ka digayey aan u jilciyo da,yarda waa Qabyaalada oo aan dhihi karo ilaa maanta lagaha iyo gacmahaba ayadaa naga xirxiratay,cid naga furfurta xargaheedana ma aanaan helin ilaa waqtigaan.

Waxay dumisay halgankii daraawiishta.
Waxay cuntay halgankii taariikhiga ahaa ee leegada(SYL).
waxay burburisay guuluhii waaweynaa ee Kacaankii Oktoobar.
waxay hadda noo diidan tahay waan kufnaye in aan kacno.

Aan dulacda cinwaanka abaaro Xassan Shiikh Maxamuud wuxuu majaraha noo hayey afarsano oo gabaabsi ah, nuxurka aan ka helnay waa sidaan oo aan caadsaarnayn;-
-Nidaan la,aan(anarchy)Gobolo aan isxukumin iyo baratakool xumo haggaaneed oo Xassan shiikh uusan garan Karin meeqaanka darajadiisa iyo xurmada jagada uu qaranka u hayo oo cid waliba la horfariisto.

Amaan la,aan(without law and order and safty) qaraxyo joogtaa oo madax iyo shacabba ku dhamaadeen iyo wadanka oo aan laysu socon Karin xataa Xamar iyo Agooye ama Balcad,haddana Xassan Shiikh ku macneeyo horumar iyo hor u socosho, horumarku ma dhiiga iyo meydka maalin kasta Xamar waranbaa?
dhaqaala la,aan waxwalba la nuuxsan la,yihiin(ilayn awoodii dhaqaale Dalka jeebabka nimanka Dalka kala goosgoostay soo ma dhaaftee).

Ciiddamadii dalkaan soo celin lahaa kala danbaynta,cadawgana ka daafici lahaa oo aan maalin qura xogooda loo jeensan,waa yaab,

UNKOD WUXUU DAWAAREEYABA DULUCDIISU WAA MEEL.Xassan Shiikh sawirkiisa runta ah ee qodaba aan la yaabanayn ee sare ku qoran waxaa fasiray safarkiisii Jigjiga oo uu olalahiisa doorashada halkaas la aaday Soomaaliya oo khariirada adduunka laga waayo oo Itoobiya ka midnoqotana ay uga weyn tahay in un uu kursiga ku soo laabto,bal eega arimaan.

-qaabka uu uga hadlay qadiyada Soomaali Galbeed iyo ONLF iyo aflagaadada(wiilashii Injirta iyo raamaha lahaa)waa wax ku cusub taariikhda Soomaalida Madaxweyne dalkaan soomarayna aan laga maqal.

-Heshiiskii ay horay Soomaliya ula gashay Dawlada turkiga oo lagu yiri ka bax oo ciddamada Itoobiya hoos keen dhismahooda.
-Iyo ugu denbayn in uu ku dhawaaqo in ciiddanka Itoobiya ku filan yahay soo celinta amaanka Dalka Soomaaliya Ciiddamada dawladaha kalana aan looga baahnayn Dalka.Lays weydiin mayo arintaas micnaheeda oo waa cadahay.
Aan soo ururshee aan ku soo xiro Xassan shiikh Maxamuud waa is caddeeyey ee ku doorta ama ku diida sida kor ku qoran oo aan qofna ka qarsoonayn,Aaa ku soo xiro(DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE)WAA TIX KALE OO KA MID AH ISLA GABAYGA ALLAHA UNASARIISTEE Cbadullahi Sulddaan Timacadde..

W/Q.Cabdullaahi Jimcaale Faarax

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.