Wasiirka Gaashaandhigga oo ciidamo tababar ugu soo xiray degmada Cabuudwaaq SAWIRO

Wasiirka Gaashaandhigga Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo ay Weheliaan Taliyaha NISA Qaybta Caabudwaaq, Taliyaha Booliska Caabudwaaq iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga ayaa maanta u soo xiray tababar soconayay muddo Sadex bilood ah oo ka tirsan Qaybta NISA ee Degmada Caabudwaaq.

Taliyaha Ciidamada NISA qaybta Caabudwaaq ayaa ku soo dhaweeyay xerada tababarka loogu soo xirayay ciidamadan curdan ka ah ee ku soo biiray Xoogaga NISA ee Gobolka waxaana uu sheegay inay u tahay Fursad ka qayb galka Xiritaanka Tababarka Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini.

Wasiir Diini ayaa Munaasabadda lagu soo xirayay Tababarka ka soo jeediyay Qudbad dheer oo isugu jirtay
dhiiragalin iyo waxa laga doonayo oo ah waajibaadka laga rabo ciidanka loo xiray Tababarka waxaana uu ugu dambayn u soo jeediyay Dardaaran ku wajahan gudashada waajibaadkooda.

Ciidankan ayaa noqonaya qaybtii ugu horraysan ee NISA ee loo abuuray sugidda iyo ka shaqaynta amniga Degmada Caabudwaaq.

vMix Capture 04 August 2016 16-12-12

niss

nisasa

ni

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.