Degdeg: Ugaaska Beesha Sade iyo wafdi uu Hogaaminaayo oo Baardheere gaaray Goor dhaw.+Sawiro

Muddoyinkii dambe oo uu Nairobi ku sugnaa Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi iyo wafdi uu hogaaminaayo waxa ay maanta gaareen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Ugaaska iyo wafdigiisa oo Nairobi kasoo duulay ayaa Muqdisho ku hormaray kadibne waxa ay uga sii gudbeen Degmada Baardheere.

Waxaa kamid ah wafdiga Ugaaska Xildhibaan Maxamuud Cali Magan iyo siyaasiyiin kale oo kasoo jeeda Beesha Sade.

Ugaaska iyo wafdigiisa ayaa siweyn loogu soo dhaweeyey Degmadaasi Baardheere.

Waxaa ugaaska iyo wafdigiisa lagu wadaa in maalmaha soosocda ay gaaraan Degmada Garbaharay ee Xarunta Gobolka Gedo halkaas oo lagu wado in lagu soo xulo 10ka xildhibaan ee Beesha Sade uga mid noqonaya Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Gedo Time ayaa goordhaw idiin soo gudbin doonta Masawiro LA xiriira soo dhaweynta Ugaaska ee Baardheere.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.