Daawo: Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jubbaland oo ku dhawaaqay Musharaxnimadiisa XIldhibaanimo ee Heer Federaal.

Cabdikariim sheikh celmi oo ka tirsan xildhibaanade jubalnd xilal kale duwanna ka soo qabtay mamuladii kala duwanaa ee soo maray dalka somaliya ayaa manta warbaahinta magaalada kismaayo u sheegay inoo yahey musharax u taagan qabashade xilka xildhibaanimo ee dowlade fadraalke somaaliya Xildhibaanka ayaa musharaxnimdiisa ku tilmaamey inay tahy mid uu ugu daneynayo umade degan gobolka gedo oo uu kasoo jeedo xildhibaanku.

Waxa oo yir xildhibaanka ‘hadaan xildoon ahay hadaba xildhibaan jubalnd ayaan ahay lakiin u jeedkayga ayaa ah inaan wax qabad dhab ah la imaado sida hadaba aan waxqabadka u sameeyay anigoo ah xildhibaan jubalnd ah’ xildhibaanka oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegey in loo baahan yahay isbadal uu dalku gaaro taana ay ku imaan karto in qofka masuulka noqonayo lagu doorto wax qabad iyo aqoon iyo sidoo kale in uu yahay qof samata bixin karo umada somaliyed madama uu dalku soo maray xalado jaahwareer ah waxana uu intaa raaciyey in uu balan qaadi doono in uu ka shaqeeyo hormarka sida wax barashada. Caafimaadka iyo sidoo kale is dhex galka bulshada jubaland.

Xildhibaan C/kariin ayaa waxaa lagu xasuustaa in uu yahay dadkii kasoo qeyb qaatay dib u heshiisiintii beelaha dego deegaanada jubaland gaar ahaana waxaa uu kamid ahaa masuuliyiintii u ol oleyneysay is badal mamul in uu ka dhaco gobolka gedo.

Ugu danbeyn mudane C/Karin Sheikh Celmi Jamac waxay dadka aqoonta u leh ku sifeeyaan in uu yahay shaqsi miisaan culus ku dhex leh siyaasada dalka somaliya waxana la tilmaamaa in uusan ahayn dadka warbaahinta wax ku dhaliilo iyadoo tani ay noqoneyso markii ugu horeysay oo uu warbaahin kazoo dhex muuqdo sheegana in uu yahay musharax u taagan kursiga xildhibaanimo ee dowlada somaliya hadii uu ku guuleystana uu soo kordhin karo hormar siyaasadeed.

Goordhaw Filo Sawirada Mudanaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.