Akhriso: Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug oo iska hor imaad lakulmay xilli uu doonayay in uu Cabudwaaq Tago.

Degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galgaduud waxay maanta shaqaaqo gacan kahadal sababtay ku dhexmartay Maleyshiyaad kayimid Cadaado oo LA socday Taliyaha Nabadsugidda ee Gakmudug iyo Ciidamada Madaniga ah ee Degmadaasi u dhashay.

Taliyahani ayaa Degmada yimid isagoo aan wax ogolaansho ah kahaysanin Maamulka iyo Waxgaradka Degmadaasi ku dhaqan taasi oo sababtay in ay Gacan kahadal kala hortagaan.

Wuxuuse markii dambe Magan galay Guriga uu Degmadaasi Caabudwaaq ka daganyahay Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini oo baryihii lasoo dhaafay halkaasi ku sugnaa kaasi oo ciidamada Deegaanka ka codsaday in madixiisa lagu dhaafo taliyaha.

Wasiirka ayaa dhinaca kale taliyaha nabad sugida ee Galmudug ku amray in uu dib ugu laabto degmadii uu markii hore kayimid ee Cadaado sida ay goobjoogayaal ku warameen.

Xiriirka Cadaado iyo Caabudwaaq ayaa aad u xumaaday tan iyo wixii ka dambeeyey dhismaha Maamulka aan wali Cadaado dhaafin ee Galmudug.

Taliyaha Nabad sugidda ayaa raali galin kabixiyay ogolaansho LA ahaantii dagaalka sababtay ee caabudwaaq uu LA tagay, sidoo kale dadka Deegaanka waqooyiga galgaduud ayaa hoosta ka wada xariiqay in hadii qof dambe oo aan deegaankaas u dhalan lagu arko deegaandaasi uu masuuliyadda cawaaqib xumada dhalata uu qaadi doono.

Waqooyiga galgaduud ayaa dhawaan sameystay Maamul ka arimiya Deegaanadaasi kaasi oo lagu Magacaabo Maamulka Galgaduud Sare oo so buuxda deegaanadaasi uga hawl gala.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.