Faafaahin: Nabadoon Idiris oo u geeriyooday Dhaawicii loogu geystay Degmada Baledxaawo.

Waxaa goordhaw LA xaqiijiyay Geerida Nabadoon Idiris Maxamed oo kamid ah waxgaradka Degmada Baledxaawo kaasi oo ay dileen dableey hubeysan asaga iyo Nabadoon kale.

Nabadoon Idiris ayaa dhaawac halis ah oo soogaaray u geeriyooday Goordhaw Xilli loo siiwaday Degmada Doolow, Nabadoonka kale ayaa lasoo warinayaa in uu dhaawac culus yahay lamana oga sida uu xaalkiisa ku dambeyn doono.

Dableeydii dilkani geystay ayaa ka baxsatay halkii ay dilka ku geysteen lamana xaqiijin karo hayb ahaan Halka ay ku xiranyihiin maleyshiyaadka dilka fuliyay.

Baledxaawo ayaa caawa kujirta jawi ka duwan kii hore ee Nabad galyada.

Wixii kusoo kordha faafinta dib kala soco insha Allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.