Dareen dhiillo iyo samatabixinta Qaranka Soomaaliya.

jim

Waxay ahy 13/07/16 markii aan qoray maqaal aan cinwaan uga dhigsy damaca Itoobiya iyo taariikhda Soomalida..waxaan ka hadlay taariikh aad u fog ilaa maanta marna inysan ka daalin in Itoobioya dhulka Soomalida oo dhan ku darsato kan Itoobiya, waa damac ku jiray intii ay jirtay laga soo bilabo intii aan boqortooyadii itoobiya la balarin ee la oaran jirey Abaysiinya,kuna ekayd markaas dhulka loo yaqaan Buuraha Sare ee Itoobiya(high mountains of Ethiopia).

Warkii dhiilda iyo dareenka xambaarsaa ee aan gaarsiyey bulshada Soomaaliyeed Tariikhda aan sare ku xusay,cajal fiidiyow ah oo 24/07/16 uu soo galiyey baraha bulshadu ku kulanto ama isku waraysato isla markaasna bogaga wararka lagu soo qoray inta badan ku soo baxay oo uu soo diyaariyey wariye Soaamli ah saga oo hortaagan safaarada Itoobiya ee London ayaa marqaati u noday,wuxuuna ka shifay in dhulka Soomaliya uu Hadda diyaar u yahay in uu ka mid noqdo kan Itoobiya,ayaduna ka shaqaysay dawladaha waawayna ku raacsan yihiin,ayaga oo dhaqaale fara badan ku siiya sidii ay dhulka Soomaaliya ciidamadeeda ugu fidin lahayd ,marka danbana ay ku dhawaaqdo in ay la wareegtay.Waxay ka dhaadhicisay dunida in Soomaalidu tahay dad waalan oo badaw ah kuna ah khatar aduunyada oo dhan haddii aan gacan bir ah lagu qaban.

Hawshaan inteeda badan waxaa qabtay siyaasiyan Saafaarada Itoobiya e London,waxay fariimo,qoraal ah,iimaylo,iwm ah gaarsiisaa dawladaha,ururada caalamigaa iyo shirkado,ayada oo xaflado ku samaysa safaarada kuna martiqaada dad Soomaali ah kuna soo bandhigta cuntooyinka Itoobiya iyo hida iyo dhaqankooda laga masalaayo in dadka iyo dalka Soomaalida ay isku mid yihiin kan Itoobiya,waa sida wariyuhu hadalka u dhigay ana aan horay u bidhaamiyrey.

Arintaan waxaa fududeeyey in qaranka Soomaaliya sidaas safaarada Itoobiya u duleyso markii Xassan Shiikh Maxamuud uu safaarad keeni waayey London oo Siyaasada adduunka meesha laga hogaamiya ah.
Hadaba akhristayaal ama Soomaaliyee qrankiina u hiiliya kana dabaqabta Xassan Shiikh Maxamuud haddii kale dalka iyo diintaba ka quusta hadaydnaan dooran maanta kii idin samatabixin lahaa.
W/Q Cabdullaahi Jimcaale Faarax.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.