Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya oo la wareegtay maamulka xarumihii Nile Academy

Dowladda Soomaaliya 16 bishan Luulyo waxaa ay joojisay shaqada hey’adda Nile Academy ay ka wadday Soomaaliya markii hey’adda lagu eedeeyay in ay ku lug laheyd afgembigi dhicsoobay ee 15 bishan ka dhacay dalka Turkiga taas oo ka dambeysay codka ka yimid madaxda Turkiga.

Sadex iskuul iyo isbitaal oo ay Soomaaliya ku la haayeen hey’adda Nile Academy oo lala xiriiriyay ururka dowladda Turkiga ay ku dartay liiska argagaxisada ee uu hogaamiyo wadaadka fadhigiisu yahay dalka Mareykanka ee Fetullah Gulan ayaa hada waxaa maamulka xarumahaas la wareegay safaaradda Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen diblomaasiyiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.