Ayaandarada Soomaliya Haysta By Cabdulaahi Jimcaale

jim

Ayaandarada Soomaliya
Waxay ahayd 17/07/16 markii ay inta badan bogaga wararka qora soo daabacen wardhiilo ,naxdin iyo argagax lahaa oo ka dhacay Gobolka Bay ee Soomaaliya,waxay igu noqotay filanwaa ,naxdinn iyo argagax,in wadaado culumaa oo qof deegaankooda ah ehelna yihiin ugu yimid quraan saar,ayaga oo bukaanka gurigiisii ku jira kuna akhriyaya quraan inta ciidamada Amisom albaabka guriga soo istaageen ay dhammaan halkaas intii ku sugnayd aan qof laga reebin laguna dilay rasaas toogasho ah oon aan loo meeldayin sida ay sheegeen goobjoogayaashii ay saxaafadu warasatay oo qaarkood aabayaashood ku jireen marxuumiinta la xasuuqay.

Ayaan daradaan ugub maaha waxay horay uga dhacday,Sh/Hoose,Jubada Hoose, Gedo, Hiiraan,Galgaduud iyo Togdheer inta aan xasuusto oo laga yaabo inn ay meelo kalana ka dhacday.
Ayaandarada ii soo baxaday waxay tahay dareen iyo naxdin dhacdooyinkaas ay geliyeen ummadda Soomaaliyeed lama arko,mana anaan dareemin marka laga reebo eheladoodii joogtay meeshii falku ka dhacay oo xanuunka iyo murugada, daweynaha Soomaaliyeed ka waayeen in ay la qaybsadaan.

Intii dadkaas lala wadaagi lahaa dhibaatada gaartay,intii arinta loo arkilaah masiibo qaran oo lagula xisaabtamilahaa kuwa geystay madaxda maamulgobol ku sheegyada iyo dawlada federaalka ah labadubah waxay uga jawaabeen jees jees,dhinaca kalana ay ka muuqatay fuleynimon lagu baylihinaayo sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed,tusaale;-
-Muumulka K/Galbeed wuxuu uga Jawaabey saraakiisha Itoobiya baan kala hadlaynaa mardanbana ma dhacayso .waa hadal aad u liita iyo quus waxba ineyan ka qaban Karin.
-Wasiirka warfaafinta oo afka DF ku hadlaayey wuxuu yiri Al Shabaab baa gabaad ka dhigtay oo saas bay ku dhinteen oo koley anigu aan u qaatay Al Shabaab bay qarinayeen oo la joogay.waa hadal ka sii liita kii maamulka K/Galbeed oo macnihiisu ahaa Amisom iyo Itoobiya lama xisaabtami karnee aan marmarsiinyo u samayno oo khaladkooda difaacno.
-Maamulka Gobolada waqooyi baa dhacdadii xuduuda Togdheer uga jawaabay ONLF baa carada laga baarayey walaalahayo itoobiya baa arinta u sheegnay.
-Hiiraan Galgaduud ,Gedo iyo SH/Hoose wixii ka dhacay waxba cidi kama oran aan ahayn Gudi baan u saaraynaa aan wax ficili ka danbayn.
Ugu danbayn yanan wax aad wada ogtihiin idin ku daaline sow arintaan kalama bixi karno fariin dhiilo iyo dareen xambaarsan oo ku socota dhammaan Soomaalida min Lowyacado ilaa Raskambooni?Anigu aan isaga Jawaabo haah!haah!haah !mana harin hadal lays yiraahdaa nimanka Gobolada fadhiya iyo kuwa xamar fadhiya oo calamada kala gaarka ah leh idinka idin ma masalaan ee waa barasaabyo meela kale laga xukumo ,waadna ogtahiin,sharaftii iyo karaamadiinii burburtay 1991kii haddaynaan soo ceshan oo gacmaha is qabsan dhammaan ficiladaas iyo kuwa kale ee soo socda waxaa naloo carbinayaa Gumeysi,horjoogayaasha nakala qaybsadayna waa dulaal.
Wabilaahi towfiiq,W/Q.Cbadullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.