Taliye cusub oo AMISOM loo magacaabay

Taliyaha cusub ee howgalka midowga Afrika ee AMISOM janaraal Cismaan Nuur Subagle, ayaa xilka si rasmi ah ugula wareegay taliyihii isaga ka horeeyay ee janaraal Jonathan Rono kadib markii taliyaha cusub uu magaalada Muqdisho shalay soo gaaray.

Janaraal Subagle taliyaha cusub ee AMISOM ayaa kulan la yeeshay wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ahna taliyaha guud ee howlgalka midowga Afrika ee danjire Francisco Caetano Madeira,isagoo sheegay in isbedelkan uu yimid waqti muhiim u ah howlgalka AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.