Tababar ku saabsan sida looga faa,ideysan karo Mashaariicda dib u dhiska iyo Balaarinta Baardheere oo ka soconaya Xarunta Degmada(Dhageyso+Sawwiro

Tababarkani oo galey maalintii labaad ayaa waxaa uu ka soconayaa Xarunta Maamulka degmada Baardheere,waxaana ka qeyb galaya Ergooyin gaaraya ilaa 20 xubnood ,kuwaasi oo ka kala socda Maamulka degmada,Odoyaasha dhaqanka,Ganacsatada,Culamaudiinka,Dhalinya iyo Ururka Haweenka degmada.

Tababarkani oo ay soo qaban qaabisey Maamulka Degmada Bardheere  ayaa Qodobada Mudada 3 maalin ah ee looga doodi doona waxaa kamid ah Mashaariic balaaran oo la doonayo in laga hergeliyo degmada Baardheere iyo sidii Bulshada degmada ay u hanan lahayd Mashaariicdaasi oo isugu jira dib u dhiska iyo horomarinta deegaanka.

Mashaariicda horey laysula meel dhigey ,islamarkaana la doonayo dhowaan in degmada laga hergeliyo ayaa waxaa ka mid ah,Hergelinta Nalalka ku shaqeeya Cadceeda oo gaaraya ilaa 100 xabo,dhismaha Xarunta Maamulka degmada,dhismaha xarunta wacyi gelinta,Dhismaha Garoonka kubada cagta ee Baardheere,moosida biyo mareenada  fatahaadaha iyo xarunta Wacyi gelinta Bulshada.

Qureesho Aaden waxay ka mid tahay Ururka Haweenka degmada Bardheere waxayna soo dhaweysay mashaariicda dhowaan laga hergelin doono degmada Baardheere,waxayna sheegtay dadka deegaanka in ay baahi weyn u qabaan howlaha noocani oo kale ah.

Cadow Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha degmada Baardheere oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay Mashaariicdani in ay ahmiyad balaaran u leeyihiin bulshada ku dhaqan Magaalada Baardheere,waxuuna sheegay bilaha soo socda in laga hergelin doono degmada.

Daawo Sawirada

DSCN0382 DSCN0380 DSCN0379 DSCN0378 DSCN0362 DSCN0353 DSCN0356 DSCN0357 DSCN0358 DSCN0361

 

Halkan Ka Dhageyso

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.