MAXAMED Cabdi Afeey iyo General Gabre(oday -dhaqameedyada Beesha Lixaad). By C/laahi Jimcaale

jim

MAXAMED Cabdi Afeey iyo General Gabre(oday -dhaqameedyada Beesha Lixaad).
Waxaanu lahayn dhaqan suuban hadaynu nahay Soomaali,dhisme bulshadeed keenu wuxuu ahaa beelo reerguuraa ah oo xoolo dhaqato ah oo lo badnaa iyo beeraley dhinaca wabiyada tabcan jirtay,sida badan biyaha iyo daaqa iyo xoolaha siiba geela ayaa xasarado iyo khilaayo ka imaan jireen dhinaca beeraleydana soohdimaha beeraha ba laysku qaban jiray.
Waxaa ku soo kordhay qayb sadexaad oo magaalowday oo ay ka taliyaan dowlad iyo siyaasiyiin.Taas lafteedu marka laga eego dhanka xalinta khilafyada kama duwaneyn sida loo maareeyaa dhaqankeena suuban ee aan ku soo caanamalanay ee madaxdabeelahu wax u xalin jireen.
Dhankii miyiga iyo reerguuraaga marka wax dhacaan oday dhaqameedyada beelaha wax dhexmareen baa xal ka gaari jirey,haday ku adkaato oday dhaqameedyo kale baa soo gurman jirey oo labada reerba ka dalbi jirey in arinta ayyaga lagu wareejiyo waxa ka soo baxana loo hogaansamo ayaga oo arinta u geli jiray si dhex dhexaadnimo ah oo aan eexasho lahayn ,saas baana lagu kala buskoon jiray.
Dhankii Magaalooyinka iyo dawladnimadu kama fogayn oo wixii laysku qabto Gudi waxgarad iyo siyaasiyiin ah oo ka madax banana intii isqabatay baa loo saari jirey.Go,aanka ay soo saaraana madaxa lagu kala qaadi jiray wax danbana kama soo noqon jirin.Isku soo wadaduub waxa oo dhan waxay ahaayeen wax Soomaaliyeed oo sida danta Soomaalidu ku jirto loo wajaho loona xaliyo.
Dulucda aan u dhaadhaco Afeey iyo Gabre waxay noo dhiseen markii aan ku heshiin weynay Jubaland,sidoo kale K/Galbeed oo laysqabsiin waayey bay noo dhiseen.G/Mudug oo aan dastuurka kumeelgaarka ah qaybkeedu ogolayn bay noo qarboobeeyeen ,iminka waxay shanta la galeen H/Shabeelaha dhexe markii sanad ku dhawaad ruug ruug loo saari waayey.Marka horaba in an la heshiin ayaga baa ka danbeeya ayaga oo adeegsada shaqsiyaad ayagu u dirsadaan oo ay afkaartooda u dhiibtaan,hubka la adeegsadana waa qabyaalada oo awalba qarankeenii nala ku adeejiyey si aan u domino.{DUQON BAA LABA JEER GOD LAGA QANIINAA} Soo ayaan daro maaha dhibaatada qabyaalada in aan garan weyno ilaa hadda .Wiil iyo walaalba ku waynay,hadda waxay taagan tahay in aan dhulka wayno.Weligiin ma is weydiiseen yaa u xilsaara in Afey iyo Genaraal Gabre maamulada aan ku murano noo dhisaan,ma dawlada Soomaalida baa codsata,ma beesha caalamka baa u xilsaarta ,in ay maamulo noo dhisaan hawlaha ay soomaaliya u joogaan ma ku jirta?Bal eega Hiiraaan/Shabeelaha dhexe waxa isku haya waa odydhaqameedyadii deegaanka,sabatana waa dadka faraha kula jiray oo ay ka dhex hadlayeen Afeey iyo gabre {inta aan annagu imaanayno qasa oo yaan la heshiin saw maaha,sawse nooma muuqato xargii ay u soo xireen maamuladii hore oo is qabsan la ilaa hadda.Maxaa dawlada u diiday in odyaal ama siyaasiyiin Soomaliya inta kuwii hore oo ku fashilmay laga joojiyo loo xilsaaro in ay odayaasha isku keenaan oo waxa la soomaliyeeyo?Haddii aanan is dabaqaban oo aanaan qabiilka iska dayn Gabre baa inoo talin,xeerada salkeedana waa gaaraynaa.W/Q ,Abdullaahi Jimcaale Faarax

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.