Daawo : Dib u dhiska lagu wado Isbitaalka Baardheere oo meel wanaagsan maraya

Waxaa meel wanaagsan maraya dib u dhiska lagu wado isbitaalka guud ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo oo ay hirgalineyso hay’ad sucuudiyaan ah.

Isbitaalka oo aan helin wax dib u tayactir ah wixii ka dambeeyey burburkii dowladii dhexe kadib ayaa hada helay fursad dib loogu dayactiro iyadoo hadda uu meel wanaagsan maraayo dib u dayactirka lagu wado isbitaalka.

Booqasho aan dhawaan Ku tagnay isbitaalka ayey saraakiisha gacanta Ku haysa dib u dayactirka noogu xaqiijiyeen in labada bilood ee soosocata ay gabagabeynayaan dib u dhiska isbitaalka.

” meel wanaagsan ayey mareysaa dib u dhiska isbitaalka, shaqaalo baaxad leh ayaana kujira oo dhisaya, labada bilood ee soosocotane waa LA dhameystirayaa ” ayuu gedo Times u sheegay injineerka gacanta Ku haya dib u dayactirka isbitaalka.

Sikastaba marka LA dhameystiro isbitaalka dhismihiisa ayaa lagu wadaa in qalabeyn casri ah lagu sameeyo, si dadka deegaanka looga baahitiro baahiyaha caafimaadka ee haadda kajira Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

HOOS KA Daawo SAWIRADA ISBITAAlKa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.