Shankaroon Foundation oo laga Codsadey ka qeyb qaadashada Dhismaha,Balaarinta iyo Qalabeynta Isbitaalka Baardheere(Dhageyso+Sawwiro)

Qaar ka mid ah Odoyaasha,Waxbaradka iyo Aqoonyahanada degmada Bardheere ayaa codsi baaq ah waxay u jeediyeen Jaaliyada Shankaroon Foundation oo fadhigeedu uu yahay Dalka UK si ay ugu qeyb qaataan howsha dhismaha iyo balaarinta ee ka socota mudooyinkii ugu dambeeyey Isbitaalka Baardheere.

Waxayna  ka Codsadeen Shankaroon Foudation in Isbitaalka Baardheere lagu sameeyo Balaarin iyo Qalabayn si looga baxo baahida caafimaad eek a taagan deegaanka,iyadoona  lagu darayo Isbitaalka dhisamahii hore ee Guriga Martida Baardheere,wejiga hore ee Garaska iyo qeybo kale oo muhiim u ah bilicda isbitaalka.

Faarax Warsame  oo ka mid ah Waxgaradka Baardheere ayaa ugu horeyn waxaa uu u mahadceliyey Ururka Iskaashiga Islaamka oo dhowaan bilaabay howsha dhismaha Isbitaalka Baardheere,isagoo dhinaca kalena sheegay baahida loo qabo dhamaystirka Isbitaalka iyo ahmiyada uu ugu fadhiyo Bulshada Baardheere.

Sidoo kale Nabadoon Maxamed Cabdiraxmaan Matow oo ka mid ah Odoyaasha Baardheere ayaa Codsi baaq ah waxuu u jeediyey Jaaliyada soomaalida ee dalka UK ,gaar ahaan Shankaroon Foudation in ay ka qeyb qaataan dhismaha ,Balaarinta iyo Qalabeynta Isbitaalka Baardheere oo uu sheegay in dhismahiisu haatan ay mareyso meel wanaagsan,balse ay doonayaan in laga qeyb qaato.

Muddo ka badan ilaa 20 sanno waxaa xirnaa Isbitaalka Baardheere,dhibaatada ugu daran ee ay qabaan Bulshada Baardheere waxaa ugu weyn xilligan adeega caafimaadka oo aad u liita,islamarkaana ay baahi weyn u qabaan kumanaan Qoys,balse Dadweynaha Baardheere ayaa rajo xoogan waxay ka qabaan isbitaalka Baardheere oo dib u howl gala bilaha soo socda ,maadama haatan lagu guuleystey sanado badan ka dib in dib u dhis iyo balaarin lagu sameeyo.

Daawo Sawirada.

DSC09823 DSC09824 DSC09825 DSC09826 DSC09827

Halkana Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.