Daawo: Dawlada Soomaliya oo u Raadgadaysa Haya’da Wfp

rashin

Guddiga ay dowladdu u saartay baaritaanka Raashiin dhacay oo lagu qabtay garoonka Muqdisho kaas oo ka kooban qaybaha kala duwan ee dawlada ayaa kormeerro ay ugu kuurgalayeen xaaladda keydka hey’adda WFP ee magaalada Muqdisho, si ay u xaqiijiyaan eedeyn loo jeediyey hey’addaasi.

“Guddiga oo si taxadar leh u fulinaya howshii ay Xukuumaddu u xil saartay, ayaa kormeerray keydka WFP ku leedahay Dakedda Muqdisho, halkaas oo lagu hubiyey Raashiinka ku keydsan, iyadoo raashiinkaasi la xaqiijiyey in uu yahay midka wax soo saarka Soomaaliya oo laga iibiyey Beeraleyda Soomaaliyeed, tayadiisuna ay aad u wanaagsan yahay, guddiga xaqiijinaya in Keydkaasi dhammaan raashiinka ku jira uu yahay in wanaagsan”.

Sidoo kale guddiga oo ku howlan baaritaannada, ayaa kormeerray Raashiin ku jira Koteennaro yaalla garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo qaarkood ay wasakheeyeen roobabkii da’dayey maalmahan, hasa yeeshee Tayo ahaan aad u wanaagsan. Guddiga, ayaa dowladda u xaqiijinaya in raashiinka magaalada Muqdisho hey’adda WFP in uu yahay mid wanaagsan oo ka madax bannaan eedeymaha loo jeediyey.

Waxaa is waydiin leh Raashinkii laqabtey ma hawaduu kayimid yaa masuuliyada raashinkii dhacay qaatey, tani waxay ku tusaysaa in wax qaldan yihiin, dhawaan bay ahayd markii Amisom oo qalab iyo shidaal suuq madow ku gadaysey ilaa iyo hadana wax laga qaban.

raashinwfp (1)

raashinwfp (2)

raashinwfp (3)

raashinwfp (4)

raashinwfp (5)

raashinwfp (6)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.