Xagaa iska qabasan la,adahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed

jim

Waa su.aal isweydiin mudan qof kasta oo muwaadin Soomaaliya waajib ku ah in uuisweydio oo raadiyo jawaabteeda,isla markaana uu helo meehsa sartu ka quruntay oo Qarankeenii Soomaliya ee burburay 1991kii sababta uu iskugu soo noqon la,yahay si dadku iskugu tanaasulo oo dib ugu midoobaan.Marka laga reebo qabqablayaashii damacwaalnaa ee cadawga soo jireenkaa ee umadda Soomaaliyeed soo hubeeyeen ,hubka ugu xoogga badan oo lagu soo hubeeyayna uu ugu xoogga badnaa qabyaalada,waxaan is leeyahay seddex qaybood oo bulshada oo looga fadhiyey in hubkii lidka qabyaalada ee gacantooda ku jiray ay uga masuugeen in ay ku caawiyaan bulshada Soomaaliyeed ilaa haddana uga baqaylaaya.Haadaba markii aan anigu maskaxdayda rogrogay waxaa kaalintoodii gabay saddex qaybood oo bulshada ka mid ah oo kala ah sidan;-

1-Culumaa,udiinka Soomaaliyeed.
2-Aqoonyahanada Somaaliyeed.
3-iyo suugaanleyda Soomaaliyeed

Saddex qaybood waa aqoonta maskaxeed, wacyigalishaasha bulshada iyo hanuuniyaasha, marka ay caafimmad qabaana bulshada waxay ku hayn karaan jawi caafimaad qaba.mar ka horey waxay qayb ka qaateen burburkii qabyaalada loo adeegsaday oo dhaliilihii markaas jiray aad u buunbuuniyey ,una kabagaliyey in kacdoon hubaysan dalka ka dhaco,ayada oo ay haboonayd in si kale oo wixii qaldanaa loo saxo la raadiyo ee aan qabyaalad iyo ciidamo cadayga soo jireenka ah laga soo abaabulay nala ku burburiyo,taas oo ahayd ayaandarada nagu dhacaday oo maanta nooga dhigtay cadawgeena hilib bishil oo wax danqanayaaba nala ka la,yahay.

Ugu danbayn dad talo kama dhammaato weli ma maqal shir guud oo culumada soomaaliyeed isku balansadeen oo gobolada soo Soomaaliyeed iskaga yimaadeen oo ay xal ku raadinayaan taa badelkeedii ilaa 1991kii mid khayrdaran oo qayb dalka ka mid ah haysta bay la kala joogaan kuna taageeraan kala go ,a iyo kala qobqobka.fadlan idinku isku imaada oo qabyaalada iyo kala gooshada ka soo saara wacyigelin diini ah oo ceebiya sida diinteene suuban qabto qaranka Islaamka ah ee Soomaaliyeed la googooyo oo gaalada cadawgiisa weligiis ahayd loo gacan geliyo.culumadu waa warasadii anbiyada Ilaahna waa idin kula xisaabtamayaa haddii aad raacdaan kuwa cadawga dalka iyo diinta walaalsanaya oo ina duleynaayaa .
Suugaanleeyda iyo aqoonyahanada waxaan ku leeyahay inta aan culimaa,udiinka ku iri,fadlan ido indhahoodu waa riyo dadka indhahoodu waa idinka ,fadlan ka soo baxa qolalka aad ku kala jirtaan oo is doonta oo waad badbaadin kartaan dalka iyo dalka ee badbadiya,
Wabilaahi tawfiiq.Q/W Abdullahi Jimcaale Faarax.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.