Top News : Xuduuda u dhaxeysa Baledxaawo iyo Mandheera oo Usbuuc Xiran iyo qaadka oo aysan saameyn ku yeelan Xirnaanshiyaha Xuduuda.

baladxaaw

Waa wali xiran xuduuda kala qeybisa Degmooyinka Baledxaawo iyo Mandheera taas oo muddo usbuuc ahba uu hakad kujiro isu socodka labada degmo.

Maamulka Mandheera ayaa xuduuda soo dhoobay ciidamo tira badan oo uu ku sheegay in ay sugayaan Amniga Xuduuda, iyagoo Sabah uga dhigay in ay dareemeen Dal-daloolo amni oo dhinaca Soomaaliya kaga soo wajahan.

Balse Gudoomiyaha Maamulka Degmada Baledxaawo Korneyl Yuusuf Maxamed cabdiqaadir “kaanti” ayaa ku eedeeyey Maamulka Degmada Mandheera in wargalin la’aan ay iska xirteen Xuduuda, isagoo meesha kasaaray in Amni darada ay kenyanka ku doodayaan aysan Meesha kujirin.

Yuusuf Kaanti ayaa dhinaca kale hoosta ka xariiqay in saameyn badan ay labada dhinacba ku reebtay Xirnaanshiyaha Xuduuda.

Kasokow sheegashada Kenya ee ah in sababo amaan ay xuduuda u xireen, waxaa feersocota dhismaha darbiga lagu muransanyahay ee ay Kenya sheegtay in ay ka dhiseyso xuduuda ay Soomaaliya LA wadaagto kaasi oo dhismihiisa uu meel wanaagsan maraayo.

Arinta ay dad badan su’aasha ka keeneen ayaa ah in xirnaanshiyaha Xuduuda aysan saameyn ku yeelan qaadka dhinaca Kenya kasoo gudba ee usoo talaaba dhinaca Baledxaawo ilaa qeybaha kale ee gobolka u sii gudba.

Ree baledxaawo ayaa ku doodaya hadii maamulka degmada baledxaawo uu qaadi lahaa talaabo LA xiriirta in uu joojiyo qaadka kasoo gudba dhinaca mandheera ay talaabadaasi horseedi laheyd in Kenya ay dib u furto xuduuda sababo LA xiriira qaadka oo malaayiin dollar uu kasoo galo, balse maamulka Baledxaawo ayaadba moodaa in arinkaasi uusan ku baraarugsaneyn, ama si aan ka fiirsasho laheyn uu isaga indhasaabayo.

Sikastaba xirnaanshiyaha Xuduuda ayaa Usbuuc jirsaday tiiyoo ay dheertahay in aysan jirin dadaalo LA xiriira in dib loo furo oo socda, waxaana saameynta ugu badan ay kuyeelatay arday dhinaca Mandheera waxbarasho ahaan u aadi jiray marka lagaa soo tago xaga ganacsiga oo isagune ree Mandheera uu saameyn badan ku yeeshay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.