Daawo: Hay’ad Sucuudi ah oo dhagax dhigtay Isbitaalka Degmada Baardheere.

Degmada Baardheere waxaa meel wanaagsan maraya Dhismaha Isbitaalka Degmadaasi, oo bilowgiisii ay iska kaashadeen jaaliyadda kasoo jeeda Deegaanka ee dalka dibadiisa ku dhaqan.

Waxaase biliwgii dib u dhiskaba kusoo biiray damaanad qaadayna in ay dhameystirayaan ayna qalabeynayaan Isbitaalka Degmada hay’adda Gargaarka sucuudiga u qaabilsan ee loo yaqaan “Al-wadani”

Saraakiil kasocota Hay’adaasi ayaa gaaray Degmada kuwaas oo dhagax dhigay dhismaha cusub ee isbitaalka iyo balaarintiisaba.

Gudoomiyaha Degmada Baardheere Cabdulaahi Nuur Xasan Cadow iyo Madaxa Mashaariicda ee Maamulka Baardheere Maxamed Aadan Ganeey Afmaran-diid ayaa ka qeybgalay munaasabadda dhagax dhigga ee Isbitaalka degmada Baardheere.

Dhismaha isbitaalka ayaa lagu wadaa in uu socon doono dhowrka bilood ee nagusoo fooda leh, iyadoo Saraakiisha Sucuudigana ay Balanqaadeen in ay qalabeyn doonaan Isbitaalka Dhismaha kadib.

Shabakadda Gedo Times ayaa sawirro kasoo qaaday Dhagax dhigga Isbitaalka lagu sameeyey.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
received_933582126741025received_933582116741026received_933582153407689

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.