XOG: Xagee marayaan kulamadii uu Ugaaska Beesha Sade kawaday Degmada Baardheere Usbuucyadii lasoo dhaafay.

Sadexdii usbuuc ee lasoo dhaafay waxaa kulamo muhiim ah uu ugaaska beesha Sade ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi kawaday degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Kulamadani oo ahaa kuwo xiriir ah ayuu ugaaska lalahaa Jifooyinka ay kakoobantahay Beelweynta Sade iyadoo maalinba uu qolo horleh qaabilayay.

Waxaa ugu dambeeyey oo uu ugaaska LA kulmay Jifooyinka Talxe, Ree Xasan iyo Uurmidig kuwaas oo ah jifooyinka ugu faca fog Xaga abtirka ee Beesha Sade.

Dhamaan beelahaasi ayaa ugaaska u sheegay in ay ku qanacsanyihiin Hogaamintiisa ayna ayidayaan go’aankasta oo ree Ugaas Sharmaake ay ku xaliyaan arimaha dhaqanka.

Ugaaska iyo wafdigiisa ayaa shirweyne maalmaha soosocda waxay ku qaban doonaan Degmada Baardheere kaas oo si guud beelweynta Sade loogu wargalin doono in khilaafkii dhinaca dhaqanka LA xaliyay.

Waxaa kulamadani Feer socda kulamo uu Ugaaska ku dhisayay Gole Guurti oo isaga LA shaqeeya, matalana dhamaan jifooyinka Beesha Sade, kuwaas oo horayba ULA shaqeyn jiray Ugaaskii isaga ka horeeyey AUN Ugaas Cumar Ugaas Xirsi Ugaas Maxamed.

Kulamada uu ugaaska baardheere kawado iyo natiijooyinka Rasmiga ahba kala soco Gedo Times Insha Allah.

1 Comment

  1. Asw Ramadaan Kariim Aqiiran Hadii ay Dhab tahay kulamada aad sheeg teen ee Ugaaska uu sameyey aad Iyo aad baa I u soo dhaweyneynaa waxaa a bevel ahay in ay is hadal Weyn ku sameyso Gobolka Iyo somaliyaba xaga Nabada Iyo horumarka aad ban u soo dhaweyneynaa

Leave a Reply to Xasan Sh Muxumed Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.