WfP oo raashin dhacay Uwadey Gobolka Gedo Baardheere

Ciidanka booliiska ayaa garoonka Aadan Cadde ku qabtay raashin dhacay oo isugu jiray boqol shey oo kala duwan oo ay kamid ahaayeen galley ,Masaggo Caano boore, saliid iyo nuucyo kale.

Ciidamada booliska ayaa raashinkan qabtay xilli la doonayey in loo dhoofiyo qeybo kamid ah gobolka Gedo, halkaas oo qorshuhu ahaa in loogu qeybiyo qoysas Soomaaliyeed.

Taliyaha hoggaanka ilaalada Canshuuraha ee ciidamada Booliska Soomaaliya C/laahi Xasan Bariise oo garoonka kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Raashinkan dhacay ee la qabtay ay laheyd Hay’adaha Cunada Aduunka ee WFB, islamarkaana ciidanku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad masuul ka ahaa raashinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.