Madaxweynaha Xasan Sheekh OO Lakulmay Madaxa Hay’ada Qaxootiga

mad

madxw

madxwayMadaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula yeeshay Madaxa Laanta Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR), Mr Filippo Grandi.

Madaxweynaha iyo madaxa Qaxootinga ayaa ka wadahadley xaaladda qaxootiga Soomaalida ee ku nool Kenya iyo barnaamijka la xiriira dib u soo celintooda, qaxootiga Soomaalida ee ka soo laabanaya Yemen, qaxootiga reer Yemen ee Soomaaliya jooga , xaaladda barakaceyaasha iyo tahriibka.

Waxaa uu Madaxweynaha si gaar ah ugala hadley wafdiga UNHCR qaabka ugu habboon ee dib dalka loogu soo celinayo qaxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab, iyo socdaalkii uu dhowaan ku tegay Kenya ee la xiriiray arrimaha qaxootiga Soomaalida.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.