Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo si weyn loogu soo dhaweeyey Magaadalada Baardheere(Daawo Sawwiro)

Waxaa casarnimadii maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha
Magaalada Baardheere wafdi balaaran oo uu horkacayo Ugaas
guud ee Beesha SADE,Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi iyo Xubno
kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxamuud Cali Magan iyo
waxgarad kale.

Xubnaha wafdigani oo ka soo kicitimay dhinaca magaalada
Muqdisho ayaa waxaa si weyn Garoonka diyaaradaha Baardheere
ugu soo dhaweeyey Boqolaal dadweyne ah oo isugu jira rag iyo
dumar ,kuwaasi oo ruxayey caleemo Qoyan,waxaana markii
dambena Ugaska iyo Wafdigiisa loo galbiyey gurigii loogu
talagalay.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo la hadlayey Warbaahinta
ayaa sheegay ujeedada socdaalkoodu in ay qeyb ka tahay u
kuurgelida xaalada nolosha dadka deegaanka,waxuuna tilmaamay
mudada ay joogaan magaalada in ay kulama kale gedisan ay la
qaadan doonaan Odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka.

Sidoo kale Cadow Nuur Xasan oo ah Gudoomiyaha Baardheere oo
la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in Mudo ahba in ay sugayeen imaanshiyaha Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi,maamulka
Degmada Baardheere iyo shacabka ku dhaqan degamada waxay si weyn u soo dhaweeyeen ayuu yiri Wafdiga Ugaaska,socdaalka Ugaaska ee Baardheere ayuu dhinaca kalena waxaa uu ku micneeyey dib u habeynta hogaanka dhaqanka iyo u diyaar garawga Qorshaha 2016k

Halkana Ka Daawo Sawirada.

23

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.