Dhuusamareeb: Maamulka Ahlu Sunna oo ka hadlay sababta uu u baaqday RW Sharmaarke

Maamulka Ahlu Sunnada goballada dhexe ayaa ka hadlay sababta keentay dib u dhaca ku yimid safar Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia lagu waday inuu maanta ugu ambabaxo magaalada Dhuusamareeb.

Sida uu qorshaha ahaa wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka Cumar Cabdirashiid Cali ayaa lagu waday inuu gaaro maanta magaalada Dhuusamareeb oo ay hadda ku sugan yihiin Ahlu Sunna Waljamaaca hase yeeshee taas ma aynaan dhicin oo waa uu baaqday R/wasaaruhu.

Madaxweynaha Ahlu Sunna ee goballada dhexe Sheekh Maxamed Shaakir oo warfidiyeenka kula hadlay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in RW Sharmaarke uu u soo  gudbiyay cudurdaar taasna ay keentay dib u dhaca safarkiisa maanta la filanayay.

Maamulka goballada dhexe ayaa dhowr jeer ku celceliyay in aysan wada shaqeyn kala dhaxeynin dowladda dhexe ee dalka iyagoo u cuskanaya in aysan siinin aqoonsi maamul gobaleed oo ay dalbadeen kadib markii la dhisay dowlad gobaleedka Galmudug oo hadda si KMG ah ugu shaqeynaya magaalada Cadaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.