Afmadow oo dadi ugu dhinteen xanuunka shuban biyoodka

Wararka ka imaanaya Degmada Afmadow ee Gobbolka Jubbada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in labo carruur ay geeriyootay laba kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii sida la sheegay carruurtaasi ay ku qaraxday Miino ay ku ciyaarayeen, meel u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Afmadow.

Sida uu VOA u xaqiijiyey Dr. Xassan Mursal Muxumed oo ah agaasimaha isbitaalka Afmadow oo la gaarsiiyay labada qof ee carruurta ee dhaawacmay, carruurta qaraxa ku geeriyootay ayaa da’doodu ahayd 13 sano jir.

Degmada Afmadow oo kamid ah deegaanadii ay saameeyeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay ayaa waxaa wali ka jirta khatar ku aadan in magaalada ay wali ka buuxaan haraadiga hubkii lagu dagaallamay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.