Faahfaahin: Dagaallo ka dhacay Bakool iyo Shabeellaha Hoose

Dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa laga soo sheegayaa deegaanno ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose oo ay isaga soo horjeedaan dowladda oo gacan ka heleysa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab.

Deegaanno ay kamid yihiin Tooratoorow iyo ayaa lagu soo warramayaa in laga dareemayo xiisado dagaal oo u dhaxeeya dhinacyadaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa wararka qaar ay sheegayaan inay la wareegeen deegaanno aysan horay gacantooda ugu jirin kuwaasoo haddana ay dib kaga soo laabteen.

Deegaanka Tooratoorow warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda gacanta ku heysa waxaana dagaalyahannada Alshabaab laga soo xigtay inay iyagu weli maamulayaan.

Dhinaca kale, Waxaa maanta  deggan xaaladda deegaanno kamid ah gobalka Bakool oo ay ku dagaallameen ciidanka Itoobiya iyo Xarakada Alshabaab.

Wararka ka imaanaya degmada Xudur ee xarunta gobalka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo ku socday degmadaasi uu jidka ku qabsaday weerar.

Ciidanka Itoobiya ayaa la sheegay inay ku socdeen baabuurta gaashaaman ee dagaalka iyo kuwa kale.

Saraakiil ku sugan Xudur oo la hadlay radio Goobjoog ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu ahaa mid gaadmo ah isla markaana wax khasaare ah uusan ka soo gaarin ciidamada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.