Maamulka Hiiraan ”Dowladda wax kama qaban karto dagaalka beelaha”

baladwayne

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay inay wadaan dadaallo ay ku samatabixinayaan qoysaskii ku barakacay daadadka wabiga Shabeelle.

Guddoomiyaha gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa  sheegay  inay wadaan sidii dadkii barakacay dib u dejin loogu sameyn lahaa oo lagu gacan siiyo sidii ay magaalada dib ugu soo noqon lahaayeen.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad u dhintay gaajo intii ay socdeen dagaallada magaaladaasi kadibmarkii dadkaa ay go’doomiyeen fatahaadda wabiga iyo colaadda maleeshiyo beeleedka u dhaxaysay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in inta badan heshiisyada laga gaaro dagaallada qabaa’ilka uu burburo oo haddana dagaallada ay dib u billowdaan arrintaasoo uu sheegay in ay jirto masuuliyad darro dhanka dowladda federaalka ah.

Wuxuu ku baaqay in gurmad beni’aadanimo lala soo gaaro dadkaasi si loo yareero dhimasho laga yaabo inay dhacdo maadaama dadka qaar looga baqanayo in daryeel la’aan ay u dhintaan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.