Dowladda Pakistan oo xaqiijisay dilkii hoggaamiyihii mintidiinta Daliban

Dawladda Pakistan ayaa markii ugu horaysay xaqiijisay in ninka lagu dilay dalkaasi uu ahaa hoggaamiyihii kooxda Taalibaan,Mullah Akhtar Mansuur

Wasaaradda arrimaha dibedda ayaa xaqiijisay in uu ku safrayay aqoonsi been abuur ah.

Wasaaraddu waxay sheegtay in weerarka uu Maraykanka ku dilay ninkaasi uu ahaa mid xad-gudub ku ah madaxbanaanida Pakistan, sidaas darteedna ay cabasho u gudbisay Washington.

Arbacadii ayaa kooxda Taalibaan waxay hoggaamiye cusub u magacaawday Mawlawi Hibatullah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.