Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland oo caawa ka qeybgalay munaasabad ka socota Kismaayo

sayid

Magaalda Kismaayo ee xarunta dowladda Jubbaland waxaa caawa ka socota xaflad ballaaran oo lagu maamusayo ciidamada booliska Jubbaland ee maanta Tababbarka uu u soo xiray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Munaasabadda oo hadda ka socota xarunta Daawad ee magaalada Kismaayo, ayaa lagu soo warramayaa in uu ku suggan yahay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee dowladda Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, saraakiil boolis iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jubbaland.

Madaxweynaha dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Xasan Xaamuud ayaa maanta mar sii sii horreysay waxa ay dugsiga tababbarka booliska ee magaalada Kismaayo tababbar ugu soo xireen 300 oo ciidamo boolis ah kuwaasoo muddo seddax bil tababbar uga socday dugsiga booliska ee u ku yaaalla meel u dhow garoonka diyaaradaha Kismaayo.

Si kastaba, tababbarkan loo soo xiray ciidaamda booliska ee Jubbaland waxaa gacan ka geestay UNSOM iyo AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.