Imtixaankii fasalka 8-aad ee Puntland oo la xaday

Puntland oo dib loo dhigay Imtixaankii fasalada 8aad kadib markii koox burcad ah ay jabsadeen xarun uu yaallay Imtixaanka.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland ayaa joojisay Imtixaankii fasalka 8aad ee dugsiyada Puntland kadib markii shalay koox abaabulan ay weerar ku qaadeen Imtixaankii fasalka 8aad ee tuulada qarxis oo hoostagta degmad Eyl ee Gobalka Nugaal ayna jabsadeen qolkii Imtixaanku ku jiray iyagoona ku faafiyey baraha Bulshadu ay ku xariirto.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda waxbarashada dowladda Puntland Maxamed Cabdulqaadir Cismaan oo shir saxaafadeed ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Garoowe ayaa sheegay in ay soo qabqabteen kooxdii falkaasi ka danbaysay islamarka sharciga laga tiigsan doono.

Shir jaraa,id uu qabtay Agaasimaha Guud wasaarada waxbarshada Puntland Maxamed Cabdilqaadir ayaa su,aalo laga waydiiyay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.