XOG: Yaa ka dambeeya dagaalka Baladweyne iyo beelaha dagaallamaya

Maamulka degmada Baladweyne ayaa ku baaqay inay dagaalkaasi loo joojiyo si shuruud la’aan ah.

Maamulka gobalka Hiiraan ayaa sheegay in dad shacab ah ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen kuwaasoo ay ku dul dagaallameen maleeshiyo beeleedyo hubeysan.

Guddoomiye xigeenka gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali  ayaa sheegay in dagaalka ay ku waxyeeloobeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Wuxuu sheegay in la garanayo dadka hurinaya colaadda magaalada Baladweyne, isagoo ku baaqay in dadkaasi maxkamad la saaro

Dhinaca kale, Nabadoon ku sugan magaalada Baladweyne oo lagu magacaabo Nabadoon Maxamed Sheekh Aadan  ayaa sheegaya in dagaal beeleedkani oo ku soo laablaabtay gudaha magaalada Baladweyne ay ka dambeeyaan ujeedooyin siyaasadeed oo aan caddeyn.

Wuxuu tilmaamay inay jirto ballan ka bixis ka imaanaysa beelaha dagaallamaya oo markii ugu dambeysay heshiis lagu kala dhex dhigay gudaha Baladweyne

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.