TOP News: Alshabaab oo Weerar Culus Xalay ku Qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Baardheere.

shabab

Ururka Al Shabaab ayaa weerar aad u culus ku qaaday Garoonka diyaaradaha Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Weerarka Al Shabaab ayaa ahaa mid aad u culus waxaana Garoonka la weeraray ay Saldhig Ciidan u tahay Ciidamada Ethiopia .

Labada dhinac ayaa la sheegay in uu dhexmaray dagaal fool ka fool ah , walow aan weli si rasmi ah loo ogeyn inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha weerarkaas.

Hadana Sarkaal u hadlay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Baardheere ayaa sheegay in khasaaro xoogan ay gaarsiiyeen Al Shabaab.

Sarkaalkaan ayaa carabka ku adkeeyay in laga dilay Al Shaabab 2 dagaalyahanna nolosha looga qabtay.
Warar ayaa sheegaya in sidoo kale Madaafiic ay ku garaaceen Saldhiga Ciidamada Ethiopia ee degmada Baardheere gaar ahaan ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha Magaaladaasi.

Ciidamada Ethiopia ayaa iyagu qeyb ka ah howlgalka Nabad ilaalinta ee Ciidanka Midowga Africa Soomaaliya ee AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.